U Kala Shaandhee Degmo-degmo
Doorashooyinka guddiga dugsiga ee Minneapolis ayaa la qabtaa labadii sanaba mar. Sannadka 2026-ka, waxaa la dooran doonaa xubnaha matala Degmooyinka 1, 3, iyo 5, iyo laba kursi oo heer guud ah.
Dhammaan Phillips iyo qaar ka mid ah Powderhorn (Bartamaha, Corcoran, Park Powderhorn) iyo qaar ka mid ah Jaamacadda (Cedar-Riverside, Nicollet Island).
Degmada 3
Jawaabuhu waxay ka tarjumayaan aragtiyaha u gaarka ah musharrixiinta mana aha kuwo ka tarjumaya Get On Board ama ururrada kale ee ay wada-shaqeeyaan.
Magacaygu waa Shannon Gibney, waxaana u tartamayaa kursiga Degmada 3 ee guddiga Dugsiyada Dadweynaha ee Minneapolis (MPS). Anigoo ah qoraa iyo barafasoor, waxaan sidoo kale muddo dheer ahaa waalid degmo iyo qof deggan Powderhorn – Waxaan leeyahay hal ilmo oo dhigta South High School, kan kalena wuxuu bilaabayaa Andersen Middle School. Labada ilmaba waxay soo dhigteen Bancroft Elementary School waxayna halkaas ka heleen waxbarasho dhinacyada bulshada, dhaqanka, iyo tacliinta oo heerkeedu aad u sarreeyo.
Nasiib-darro, Degmada 3 muddo dhowr sano ah ma aysan lahayn matalaad adag oo joogto ah oo ka tirsan guddiga dugsiyada ee MPS, taas oo si cad u ah arrin dhibaato ah. Waxaan leenahay qaar ka mid ah ardayda iyo qoysaska ugu kala duwanaanta badan dhaqan ahaan dugsiyada aaggan, iyo sidoo kale tirada ugu badan ee ardayda baranaysa luuqadda Ingiriisiga (ELL) ee heerarka dugsiga sare iyo dugsiga dhexe ee degmada. Qaar badan oo ka mid ah qoysaskeena waxay horayba ula daalla dhacayeen baahiyaha aasaasiga ah kahor weerarka ICE, taasina waxay sii kordhisay oo kaliya caqabadaha ay wajahayaan.
Xubin firfircoon ka ahaanshaha Qoysaska Minneapolis ee Dugsiyada Dadweynaha (MFPS), waxaan u soo dagaallamay sidii loo hirgelin lahaa fasallo ay dhigtaan tiro yar oo arday ah iyo tiro yar oo kiisaska SPED iyo ELL ah iyadoo ay iwehliyaan waalidiin kale oo ku nool degmada oo dhan intii lagu jiray dooddii qandaraaska ee Xiriirka Macallimiinta Minneapolis (MFE) ee dayrtii hore.
Inti lagu jiray weerarki ICE, waxaan ahaa hoggaanka ilaalinta magangalyada dugsiga ee MFPS ee South High, anigoo ka caawinayay isku-dubaridka iyo dejinta gargaarka cuntada muhiimka ah, kirada, iyo gaadiidka, iyo sidoo kale roondooyinka dugsiga.
Waan tartamayaa sababtoo ah waxaan aaminsanahay inaan bixin karo hoggaan fiican oo ku aadan in dawladaha heer gobol iyo heer degmo ay si buuxda u maalgeliyaan dugsiyada dadweynaha. Waxaan rabaa inaan ka shaqeeyo beddelista dhaqanka guddiga dugsiga oo aan hirgeliyo isbeddelo si loo xaqiijiyo in degmada ay la xisaabtami karaan bulshada.
Tani waa su’aal adag, sababtoo ah waxaa jira meelo ka mid ah miisaaniyadda oo ay dugsiyada gaarka ahi yeelan karaan madax-bannaani badan iyo meelo kale oo ay waajibiyeen dawladda federaalka, gobolka, iyo maamullada maxalliga ah. Lacagta Waxbarashada Gaarka ah (SPED) iyo Barashada Luuqadda Ingiriisiga (ELL), tusaale ahaan, waa hal aag oo ay maamulayaasha gaarka ahi madax-bannaani yar u leeyihiin maadaama ay dawladaha federaalka iyo kuwa gobolladu leeyihiin tilmaamo adag oo ku saabsan sida ay tahay in loo isticmaalo. Miisaaniyadda sanadka soo socdo, maamulayaasha waxay sidoo kale leeyihiin awood kharashgarayn oo ka yar sanadihi hore sababtoo ah waa inay u hoggaansamaan nidaamka fasallada ardayda tirada yar ay dhigtaan ee degmada oo dhan (taas oo ah arrin ay qoysaska iyo macallimiintu si adag ugu dagaallameen intii lagu guda jiray wadaxaajoodyadi qandaraaska).
Si kastaba ha ahaatee, dugsi kasta oo degmada ku yaalla waa mid ka duwan kuwa kale, iyadoo ay kala duwan yihiin ardayda, qoysaska, baahiyaha, mudnaanta iyo kheyraadka. Ilaa inti suurtagal ah, maamulayaasha iyo hoggaamiyeyaasha dugsiyada waa inay la shaqeeyaan macallimiinta, qoysaska, iyo xubnaha bulshada si loo aqoonsado meelaha ugu wanaagsan ee maalgelinta madaxa-bannaan loo isticmaali karo. Waa inay lahaadaan guddi miisaaniyad oo u kulma si joogta ah si ay u go’aamiyaan go’aamadaan adag. Dugsiyada qaarkood waxay leeyihiin guddiyo miisaaniyadeed oo si wanaagsan u shaqeeya oo karti leh qaarkoodna ma lahan. Sida iska cad, dugsiyada aan lahayn, marka ay jiraan khilaafyo ku saabsan miisaaniyadda (haddana ay jiraan kuwo badan sababo la xiriira yaraanta dhaqaalaha ee la saadaalinayo inay gaareyso $39 milyan oo ay wajahayso degmada), waxaa sii kordha xiisadda u dhaxaysa maamulka dugsiga iyo kan degmada iyo macallimiinta iyo qoysaska ee goobtaas.
Waxaa sidoo kale jira dareen ah in degmada ay u oggolaato dugsiyada qaarkood ee ku yaalla degmada inay madax-bannaani dheeraad ah u yeeshaan arrimaha sida dejinta jadwalka, qorista shaqaalaha, miisaaniyadaha, iwm. marka loo eego kuwa kale, taas oo iyaduna keenta dareen xanaaq badan leh. Siyaasadahaan iyo habraacyadaan waa inay iswaafaqsanaadaan degmada oo dhan.
Diiwaangelin hoos u dhacaysa ayaa dhibaato wayn ku ah MPS. Waxaan luminay boqolkiiba 20 ka mid ah ardaydeenna iyo qoysaskeenna sababo la xiriira qorshaha musiibada ah ee Comprehensive District Design (CDD) kaas oo la soo saaray xilligii caabuqa saf-marka, ayaa beddelay dariiqyadi waxbarasho ee ardayda, isla markaana ka careysiiyay qoysas badan. Balse kahor inta aysan ardayda naga aadin dugsiyada jaatarka iyo dugsiga dookha ah (degmooyinka kale). Ma aaminsani in degmadu ay samaysay dadaal laga fikiray, oo ay ka go’nayd in lagu qanciyo dadweynaha in MPS ay tahay degmada ugu wanaagsan dhammaan ardayda ku nool magaalada. Tani waxay ii noqon doontaa mudnaan sare xagga abuurista dakhli iyo kheyraad badan iyo xaqiijinta in aanan sii wadin inaan ku dhacno gabaabsiyadaan miisaaniyadda sanad kasta.
Waxa ugu wayn ee ay degmadu samayn karto si ay u kordhiso diiwaangelinta waa inay abuurto goobo badan oo Pre-K iyo Kindergarten ah oo ku hadla luuqado badan si goorhore loo soo xero geliyo qoysaska mustaqbalka isla markaana loogu xiro degmada iyo dariiqyada loo maro waxbarashada. Waan ogahay in hoggaanka degmada iyo guddiga hadda ay eegayaan siyaabo suurtagal ah oo ay ku hirgeliyaan qaar ka mid ah fikradahaan. Waxaan sidoo kale ardayda ku luminaa baraha kala-guurka, gaar ahaan dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe. Waxaan u baahanahay inaan eegno sababta qoysaska qaarkood ay u doortaan inay dugsiyada degmada uga baxaan barahaan isla markaana aan eegno waxa aan samayn karno si aan u sii haysanno.
Diiwaangelin kaliya kuma xallin karno dhibaatooyinka miisaaniyadda MPS. Maalgelinta gobolka ee dugsiyada lama jaanqaadin sicir-bararka muddo tobanaan sano ah, taasoo ah sababta ay degmooyinka guud ahaan Minnesota–iyo guud ahaan dalka–ula daalla-dhacayaan gabaabsiga miisaaniyadda sanadba sanadka ka dambeeya. Anigoo la-shaqaynaya waalidiinta, siyaasiinta, iyo saamilayda MPS iyo gobolka oo dhan, waxaan gacan ka geysan doonaa dhisidda isbahaysiyo iyo awood lagu helo maalgelin buuxda oo loogu talagalay waxbarashada dadweynaha.
Ugu dambaynti, Waaxda Maaliyadda ee MPS waa in dib loogu qaabeeyaa siyaasado, habraacyo, iyo kormeer lagu xaqiijinayo in degmadu ay lacagta aan haysanno ugu isticmaasho qaabab xoojinaya xasilloonideenna maaliyadeed iyo kalsoonida dadweynaha halkii ay wiiqi lahaayeen.
Degmadu waa mid ay qoysaska iyo bulshada kula xisaabtamayaan go’aamada saameeya MPS. Xaqiiqdi waa mid sidaas u fudud. Degmo si fiican u shaqaynayso, go’aan gaarayaasha ayaa si joogto ah ula falgala qoysaska, xubnaha bulshada, iyo ardayda; iyagoo u dhageysanaya si qoto dheer; waxayna fikradahooda ku daraan hawlaha maalinlaha ah iyo kuwa muddada-dheer ee dugsiyada; waxayna ogyihiin xaaladda dhabta ah ee ka jirta goob kasta.
Si kooban, hoggaanka degmada iyo guddiga dugsiga waa kuwo ay la xisaabtamayaan bulshadu. Nasiib-darro, Taasi ma aha waxa ka dhacayay MPS. Qoysasku waa kuwo aan ku xirnayn hoggaanka dugsiga, degmada, iyo guddiga. Xeerar kala duwan ayay leeyihiin go’aan gaarayaasha kala duwan ee ku kala sugan goobaha kala duwan. Daahfurnaanta miisaaniyadda iyo kheyraadka ayaa soo hagaagaya balse ma joogaan halki la rabay.
Kulan ay dhawaan yeesheen guddiga dugsiyada inti aan ka soo baxaynay Operation Metro Surge, waxaan la yaabay inuusan jirin hoggaan degmo iyo kaliya hal xubin oo guddiga ka tirsan oo xusay shaqada geesinimada leh ee ay qoysaska, shaqaalaha, iyo xubnaha bulshadu ka qabteen dugsiyada degmada oo dhan si ay u ilaaliyaan qoysaska nugul iyo ardayda–laga bilaabo cuntada iyo kaalmada kirada (waxaan ururinay in ka badan $4M oo ah kaalmada kirada oo keliya!), ilaa roondooyinka dugsiga, baabuurta la wadaago, iyo waxyaabo kaloo badan. Wax ka badan wax kasta oo kale sanadkan, taasi waxay i tusisay sida ay hoggaanka degmada iyo guddiga badankoodu aad uga fog yihiin walaacyada iyo nolosha maalinlaha ah ee qoysaska ay sheeganayaan inay u adeegaan. Qaabka lagu xallinayo arrintan waa in la kobciyo lana taageero cilaaqaad dhab ah oo lala yeesho shakhsiyaadka iyo qoysaska ku sugan dugsi kasta oo ka tirsan degmada. Si kale haddii loo dhigo, gacmaha la gal shaqada, dhexgal, una dhawoow bulshooyinka aan ku dhex noolnahay, ku dhex shaqayno, una adeegno.
Ka ahaan waalid Madow oo haysta carruur Madow, iyo sidoo kale qoraa Madow iyo 25 sano oo aan ahaa barafasoor wax qora, waxaan si aad iyo aad dhab u ah u qaataa arrinta aqoonta akhriska iyo wax qorista. Waa aasaaska bulsho waxbaratay taas oo iyaduna ah aasaaska dimuqaraadiyad waxbaratay oo shaqaynaysa (taas oo sida muuqata hadda khatar ku jirta). Nasiib-darro, heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista hoos ayay hadda u dhacayaan qaranka oo dhan–ma aha oo kaliya dugsiyada K-12, balse sidoo kale dadka waaweyn–sababo kala duwan dartood, midda ugu waynna ay tahay balwaddeenna shaashadda. Heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista ee MPS waxay waxyar ka hooseeyaan celceliska qaranka, waxayna u sii liidataa ardayda BIPOC (oo sidoo kale ah isbeddel heer qaran ah). Tani waa wax aan u baahannahay inaan isha ku hayno oo aan si dhab ah u baarno sida aan u samayn karno si ka wanaagsan. Waan ogahay in hoggaanka degmada iyo macallimiinta ay arrintan ku samaynayaan tababarro cusub oo ku saabsan baridda carruurta dhawaaqyada xarfaha iyo habab kale.
Waxa ugu wayn ee aan rabo inaan wax ka qabto halkan, si kasta oo ay noqotaba, waa inuu jiro dadaal ay wadaan garabka midigta fog iyo Dimuqraadiyiinta muxaafidka ah oo ay rabaan oraahda “heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista ee hoos u dhacaya dugsiyada dadweynaha,” inay u adeegsadaan farriin dadban oo lagu tilmaamayo “guuldarraysiga dugsiyada dadweynaha.” Haddii aad qof weydiiso inuu ka walaacsan yahay “heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista ee hoos u dhacaya dugsiyada,” dabcan waxay dhihi doonaan way jiraan. Oo haddii aad raaciso in wax ku saabsan sida ardayda Madow ama Bunniga ah (waa sida ay arrintan u dhigaan hay’adaha cilmi-baarista, kooxaha, iyo siyaasiyiinta muxaafidka ah ee u badan caddaanka), ay leeyihiin heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista oo hoos u dhacaya, dadweynuhu waxay isla markiiba u qaadan doonaan inay tani tahay arrin ku saabsan caddaaladda dhanka isirka. Balse heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista ee hoos u dhacaya waa dhibaato ka jirta guud ahaan qayb kasta oo ka mid ah bulshadeenna, iyadoo aan loo eegin isirka, dabaqadda, ama haddii ay tahay dugsi dawladeed, mid gaar loo leeyahay, ama mid jaatar ah oo madax-bannaan. Taasi waa sababta aan uga soo horjeedo qaabaynta su’aashan, sida loo isticmaalo, iyo waxa ay ku dhammaato. Waxaa nalooga baahan yahay inaan si aad ah uga digtoonaanno adeegsiga doodaha aan caddayn ee ku saabsan “heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista” ee loo abaabulay in lagu wiiqo dugsiyada dadweynaha. Ugu dambaynti, cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in qaabka ugu wanaagsan ee lagu kobciyo aqoon akhris iyo wax qoris oo xooggan xagga fasallada K-12 uu yahay tirada ardayda dhigata fasalka oo yar. Marka haddii ay si dhab ah nooga go’an tahay inaan kordhinno heerarka aqoonta akhriska iyo wax qorista, waxaan meelgelin doonaa arrintaas.
Dhammaan dadka degan Minneapolis waxay u codayn karaan musharax weyn, laakiin waxaad sidoo kale u dooran kartaa musharax degmo gaar ah.