Baro Musharaxiinta

U Kala Shaandhee Degmo-degmo

Doorashooyinka guddiga dugsiga ee Minneapolis ayaa la qabtaa labadii sanaba mar. Sannadka 2026-ka, waxaa la dooran doonaa xubnaha matala Degmooyinka 1, 3, iyo 5, iyo laba kursi oo heer guud ah.

District 5 Map

Degmada 5

Dhammaan Nokomis iyo qaar ka mid ah Powderhorn (Bancroft, Bryant, Standish).

  • Anishinabe Academy Elementary
  • Bancroft Elementary
  • Dowling Elementary
  • Field Elementary
  • Folwell Elementary
  • Hale Elementary
  • Hiawatha Elementary
  • Howe Elementary
  • Lake Nokomis Keewaydin Elementary
  • Lake Nokomis Wenonah Elementary
  • Northrop Elementary
  • PreK South
  • Roosevelt High
  • Sanford Middle
  • Sullivan Elementary

Molly
Chase

Degmada 5

Ololahani wuxuu yahay ballanqaadkayga ku aadan ardayda, macallimiinta, shaqaalaha maktabadaha, shaqaalaha arrimaha bulshada, la-taliyayaasha, iyo shaqaalaha kale ee ay ka kooban yihiin dugsiyada MPS.

Jawaabuhu waxay ka tarjumayaan aragtiyaha u gaarka ah musharrixiinta mana aha kuwo ka tarjumaya Get On Board ama ururrada kale ee ay wada-shaqeeyaan.

Tell us about yourself and why you are running for MPS school board.

Waxa aan ku soo koray anigoo ah arday dhigta dugsi dawli ah oo ku yaalla Memphis iyo Atlanta. Xiisaha iyo adkaysiga aan leeyahay maanta waxaan u aanaynayaa macallimiintii qaabeeyey shakhsiyaddayda. U guurista Minneapolis shan iyo toban sano kahor ayaa beddeshay noloshayda. Waxaan shaqada shirkad uga soo tagay shaqo ka macno badan oo aan macaash-doon ahayn. Waxaan ninkayga kula kulmay halkan, waxaana hadda South Minneapolis ku korinaynaa canugeenna fasalka koowaad ka dhigta dugsiyada MPS.

Shaqadayda waxay ku saabsan tahay maaliyadda iyo hawlaha guud ahaan kuwa macaash-doonka ah, kuwa aan macaash-doonka ahayn, iyo kuwa dawladda — anigoo saadaalinaya miisaaniyadaha shirkad ka mid ah Fortune 500, kadibna soo noqday xubin guddi oo guddoomiye u magacaabay Perpich Center for Arts Education, halkaas oo aan gacan ka geystay maamulidda miisaaniyad dhan $15M. Anigoo adeegsanaya shirkadayda la-talinta ee yar, waxaan ka caawiyaa kuwa aan macaash-doonka ahayn xagga qorsheynta istiraatiijiga ah iyo kormeerka maaliyadeed. Waxaan sidoo kale sannado badan ku soo qaatay shaqada madaniga ah meel u dhow guriga: madaxa wada-xariirada gobolka oo dhan ee Moms Demand Action, xubin ka tirsan guddiga PTO, iyo isku-duwaha gargaarka wadajirka ah.

Saddex dhacdo ayaa igu riixay inaan tartamo. Gabadhayda ayaa bilowday dugsiga barbaarinta toddobaad kadib toogashadii musiibada ahayd ee ka dhacday Annunciation. Waxay waxyar kadib samaysay dhoollatuskeedi ugu horreeyay ee badbaadada dugsiga. Mudaharaadki macallimiinta ee sida dirqiga ah lagu joojiyay deyrti la soo dhaafay ayaa itusiyay sida ay xaaladdeenna shaqaalaha iyo maalgelintu runtii u tahay mid nugul. Kadibna waxaa yimid hawlgalkii ICE, kaasoo itusiyay nuglaanta iyo adkeysiga labadaba ee bulshadeenna. Haddii uu jiro wakhti aan weligeen fahamnay "inaysan jirin wax la yiraahdo ilmo qofkale," waa hadda.

Ololahani wuxuu yahay ballanqaadkayga ku aadan ardayda, macallimiinta, shaqaalaha maktabadaha, shaqaalaha arrimaha bulshada, la-taliyayaasha, iyo shaqaalaha kale ee ay ka kooban yihiin dugsiyada MPS. Waxaan rabaa qofkasta oo ka tirsan dugsiyadeenna uu badqabo, la taageero, loona diyaariyo inuu kobco. Waxaan shaqadan u keenayaa dhaqaale adag, khibrad guddi, iyo xidido bulsho oo qoto dheer, waxaana aaminsanahay in bulshooyinka ay sida ugu weyn u saameeyaan go’aamada Guddigu ay mudan yihiin inay cod ku yeeshaan qaadashada go’aamadaas.

What are your thoughts on giving individual schools more autonomy over budget, staffing, curriculum, and scheduling decisions? What are the benefits and risks of school-level flexibility?

Maamulayaasha iyo barayaasha ayaa xiriirka ugu badan ee tooska ah, laguna kalsoonaan karo la leh ardayda iyo qoysaska. Waan inaan maamulayaasheen iyo golaheenna rugta siinaa boos ay ku sameeyaan doorashooyin ku habboon baahiyaha dugsigooda, gaar ahaan bulshooyinka hal-hab wada isticmaala uu taariikh ahaan carruurta u horseeday guuldarro.

Jaangoynta ayaa sidoo kale ka ciyaarta door muhiim ah. Baaritaan ay sanadki 2025 sameeyeen Council of the Great City Schools ayaa lagu ogaaday in 25 dugsiyo MPS ay lahaayeen 48 wakhti oo kala duwan oo gambaleelka subaxdii la garaaco ah iyo 34 wakhti oo kala duwan oo gambaleelka galabkii la garaaco ah. Mid kasta waxaa loogu talagalay sabab wanaagsan: inuu boos siiyo barnaamijyada IEP ee ardayda. Saamaynta wadajirka ah, si kasta oo ay ahaataba, waxay si wayn u adkaysay gaadiidka iyo isku-dubaridka kaaliyeyaasha waxbarashada gaarka ah (SEA-yada). Isku-darka wuxuu badbaadin lahaa kharashaadka gaadiidka, taasoo soo reebaysa lacag lagu xoojiyo taageerada waxbarashada gaarka ah.

Dabacsanaan aad u badan waxay qoysaska uga tagi kartaa inay sahmiyaan nidaam kala duwan dugsiba dugsi. Si kastaba ha ahaatee, maamulayaasha waxay u baahan yihiin madax-bannaani ay si degdeg ah kula xiriiraan qoysaska iyo inay gaaraan go’aamo ku habboon dugsiyadooda.

MPS enrollment has dropped by roughly 8,000 students since 2017, and it is projected to keep declining. Is increasing enrollment a viable solution to the budget crisis? If yes, what's your strategy? If no, how would you rightsize the budget instead?

Kordhinta diiwaangelinta waa inay marwalba ahaataa mudnaan, si kasta oo ay tahay xaaladeenna maaliyadeed.

Arrin diiwaangelin oo mudan fiiro badan ayaa ah walaaca waalidka ee ku saabsan in waxbarashada heerka hore loo beddelo qaab ciyaareed. Dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah tignoolajiyadda weyn ee fasalka ayaa si dhakhso leh u korayso qoysaska dhexdooda, waxaana aaminsanahay inay durbaba qaabaynayso go’aamada diiwaangelinta siyaabo aysan MPS weli la jaanqaadin.

Waxaan ku faraxsanahay in MPS ay diiradda saarayso sanadaha kala-guurka (pre-K ilaa dugsiga barbaarinta, fasalka shanaad ilaa lixaad, fasalka siddeedaad ilaa sagaalaad) iyo ballaarinta helitaanka Pre-K. Waxaan xulashooyin K-8 ah oo dheeraad ah ku dari lahaa liiskaas istiraatiijiyadaha lagu xajisto diiwaangelinta maadaama qoysas badan ay doonayaan inay walaalaha isku dugsi dhigtaan. Intaa waxaa dheer, waxaan u arkaa ilaalinta magdhowga shaqaalaha iyo yaraynta tirada fasallada inay tahay istiraatiijiyad diiwaangelin ah maadaama kooxo waxbarid oo xooggan oo deggan ay yihiin waxa qoysaska ku haya inay doortaan MPS.

Dhanka kharashgaraynta ee isla’egta, waxaan ognahay in kormeer dhaqaale oo xooggan uu degmada u badbaadin karo (dhawaanna u badbaadiyay) malaayiin doolar. Kani waa door muhiim ah oo uu leeyahay Guddiga.

Xagga dhimista kharashaadka, waxaa haray xulashooyin kooban oo aan wax u dhimi doonin tayada, badbaadada, ama diiwaangelinta dugsiyada MPS. Dhanka kale, kharashaadka gaadiidka, cuntada, iyo daryeelka caafimaadka ayaa sii kordhaya degmada iyo shaqaalahaba si isku mid ah. Shaqaalaha qaar waxay sheegeen in daryeelka caafimaadka ay ku baxdo kala bar mushaarkooda, iyadoo kororka mushaharku uusan la jaanqaadin sicir-bararka.

MPS keli kuma ahan wejihitaanka baahi degdeg ah oo loo qabo maalgelin dheeraad ah. U-doodista heer gobol waa inay qayb firfircoon ka ahaataa shaqada Guddiga ee muddo-xileedkan. Waxaan la imaanayaa khibradda u-doodista sharci dejin ee noocaan ah anigoo u maraya shaqadayda ka-hortagga shaqaaqada qoryaha iyo ilaalinta waxbarashada farshaxanka.

What do you see as the role of parent, student, and community voice in decisions that affect the Minneapolis Public Schools?

Codadka qoysaska, ardayda, iyo bulshada waxay lama huraan u yihiin hannaanka go’aan qaadashada. Waxaan rabaa in taasi ay si cad uga muuqato sida loo gaaro go’aamada.

Codka ardayda ayaa sidoo kale ka tirsan halkan. Ardayda waxay dugsiyada u arkaan siyaabo aysan dadka waawayn u arkin, waxaana rabaa inaan xaqiijiyo inaan shakhsi ahaan u dhegeysanayo aragtida ardayda degmadeena.

Sababahaan awgood, waxaan ballan qaaday inaan bil kasta kulan dhageysi onlayn ah u qabto dadka aan matalo haddii la idoorto sababtoo ah daahfurnaantu waa inay noqotaa mid labada dhinacba ka jirta. Waxaan rabaa inaan sharraxo waxa ka dhacaya heer Guddi, oo aan dhageysto waxa ka shaqaynayo dugsiyada (iyo waxa aan shaqaynaynin) oo aan si toos ah uga maqlo ardayda iyo qoysaska.

A recent poll found that over 90% of parents are concerned that children in MPS are not reading on grade level. What steps will you take to address these concerns and improve grade-level reading?

Ugu horreyn, waxaa idhiirrigeliyay Xeerka READ ee gobolka Minnesota, kaas oo ku saabsan baridda akhriska iyo wax qorista ku dhisan caddayn cilmiyeed iyo sidoo kale sida ay macallimiinta MPS uga go’an tahay inay si degdeg ah u dardargeliyaan. Nasiib ayaan u yeeshay inaan si toos ah u soo arko barashada akhriska, maadaama ay gabadhaydu hadda uun dhammaystay sannadkii dugsiga barbaarinta ee MPS.

Walaacaygu waxa uu yahay in sharciga Minnesota uu maalgeliyay manhaj cusub, balse uusan bixin kharashka buuxa ee tababarka, kaas oo aad u xooggan. Tusaale ahaan, tababarka LETRS wuxuu u baahan yahay ku dhawaad 86-116 saacadood. Xitaa kadib marki sharci dejiyaasha ay ku dareen lacag dheeraad ah oo loogu talagalay bixinta tababarka, kormeerayaasha dugsiyada ee guud ahaan Minnesota ayaa sheegaya inay taasi tahay wax aan macquul ahayn ama aad u adag.

Marka labaad, waxaan rabaa inaan taageero oo aan dib u xoojiyo khubarada dhanka akhriska, shaqaalaha barnaamijyada akhriska iyo wax qorista, iyo maktabad-hayayaasha qabta shaqada muhiimka ah ee heerka hore iyo tan bartilmaameedka ah. MPS waxay meesha ka saartay dhammaan 400-kii boos ee hawlaha wax-ka-qabashada ee lagu maalgeliyay lacagtii caabuqi safmarka xilligii qalalaasaha miisaaniyadda ee 2024-25, halka boosaska maktabad-hayaha markale la dhimay sanadkan. Nasiib-wanaag, dakhli lama filaan ah oo goordambe la helay ayaa dib u soo celiyay qaar ka mid ah. Doorarkani waxay u baahan yihiin saacado joogto ah iyo maalgelin joogto ah.

Waxaan sidoo kale rabaa inaan u fududeeyo macallimiinteena ugu wanaagsan ee dhiga akhriska iyo wax qorista in aanay kaliya dhex joogin fasallada Minneapolis balse ay ka shaqeeyaan fasallada sida aadka ah ugu baahan. Guddiga oo dhan, latalin iyo culays shaqo oo la maarayn karo ayaa muhiim ah, gaar ahaan marka la eego tababarka xooggan ee laga dalbanayo macallimiinteenna.

Marka saddexaad, waxaan jeclaan lahaa inaan arko MPS oo si aad uga wanaagsan u adeegsanaysa xogta akhriska ee ay horay u ururisay si ay kheyraadka ugu jiheyso ardayda iyo dugsiyada u baahan taageerada ugu badan.

Farriinta u dambaysa, akhrinta heerka fasalka waxay ka bilaabataa dugsiga barbaarinta balse barista akhriska iyo wax qorista waa inay sii socotaa ilaa qalin-jebinta. Taasi waa sababta la jaanqaadista iyo taageerada tababarka ee barayaasha Wejiga 2 ay u noqon doonto masuuliyad muhiim u ah Guddiga soo socda ee dugsiyada MPS.

Ogow Warqadaada Codbixinta

Dhammaan dadka degan Minneapolis waxay u codayn karaan musharax weyn, laakiin waxaad sidoo kale u dooran kartaa musharax degmo gaar ah.

Eeg cidda ku qoran warqaddaada codbixinta.

Soo hel goobtaada codbixinta.