U Kala Shaandhee Degmo-degmo
Doorashooyinka guddiga dugsiga ee Minneapolis ayaa la qabtaa labadii sanaba mar. Sannadka 2026-ka, waxaa la dooran doonaa xubnaha matala Degmooyinka 1, 3, iyo 5, iyo laba kursi oo heer guud ah.
Dhammaan Nokomis iyo qaar ka mid ah Powderhorn (Bancroft, Bryant, Standish).
Degmada 5
Jawaabuhu waxay ka tarjumayaan aragtiyaha u gaarka ah musharrixiinta mana aha kuwo ka tarjumaya Get On Board ama ururrada kale ee ay wada-shaqeeyaan.
Abaabulidda bulshada ayaa ah sida aan xiriiro macno leh kula sameeyay goobaha iyo dadka qaangaarnimadaydi oo dhan. Kadib marki ay toogasho dugsi ka dhacday magaaladi aan ku soo barbaaray ee Nashville iyo mowjad sharciyo ka dhan ah dadka LGBTQ+, waxaan si buuxda ugu biiray abaabulka dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadada hubka iyo ilaalinta dhalinyarada LGBTQ+ ah. Ugu dambaynti, qoyskayga wuxuu qaatay doorashada adag ee ah inuu u guuro Minnesota si ay carruurteenna ugu raadiyaan nolol sidi hore ka wanaagsan. Markii ardaygaygii fasalka 1aad uu lahaa fasal ay ku dhawaad 30 carruur ah dhigtaan, waxaan ku biiray Minneapolis Families for Public Schools si aan u abaabulno fasallo leh tiro yar oo arday ah iyo siyaasado heer degmo ah oo lagu xoojinayo waxbarashada dadweynaha. Waxaan si adag uga rajo qabaa ballanqaadka waxbarashada dadweynaha. Abaabulkayga, waxaan dhisay xiriirada aan ugu baahan doono inaan ugu dagaalammo dugsiyada aan mudanahay.
Waxaan u tartamayaa guddiga dugsiyada sababtoo ah waxaan ogahay inay qaadanayso inaan dhammaanteen ka wada shaqayno inaan bixinno dugsiyada dawliga ah ee aan mudannahay. Laga soo bilaabo garab-istaagga qoysaska ee Davis Center anagoo dalbanayna fasallo ay dhigtaan tiro yar oo arday ah, ilaa garab-istaagga waalidiinta, macallimiinta, iyo deriska ee ardaydeenna looga ilaalinayo ICE–waxaan arkay waxa ay Minneapolis qaban karto marka aynu si wadajir ah u shaqeyno. Waxaan u tartamayaa inaan isla tamartaas iyo abaabulkaas u keeno maamulka dugsiyada. Degmadeena dugsiyada waxay u baahan tahay hoggaan diyaar u ah inuu si firfircoon uga dhex muuqdo–bulshada, golayaasha maamulka, iyo hay’adaha sharci-dejinta. Waxaan soo barbar taagnaa waalidiinta iyo daryeelayaasha anagoo dugsiyadeena ugu dagaalamayno fagaare kasta, waana sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo ka ahaan agaasimihiima guddiga dugsiyada.
Si uu dugsi ugu shaqeeyo si wax ku ool ah, waa inay jirtaa qaybin habboon oo ga’aan gaarista iyo awoodda ah oo u dhaxaysa dugsiyada gaarka ah, degmada, gobolka, iyo dawladda federaalka. Siyaasadaha federaalka ee ku aadan Waxbarashada Gaarka ah (SPED) iyo Title IX, tusaale ahaan, waxay u jiraan inay xaqiijiyaan inay ardaydu helaan heer waxbarasho oo isku mid ah, iyadoon loo eegin siyaasadda gobolkooda ama degmadooda. Dugsiyada Dadweynaha ee Minneapolis waxay dejistaan miisaaniyadooda balse waxaa loo baahan yahay in la maalgeliyo adeegyada sida Barashada Luuqadda Ingiriisiga iyo SPED sababo la xiriira waajibaadyadaan federaalka, kuwaas oo aan labadoodaba taageersanahay. Miisaaniyadda gobolkeenna waxay u baahan tahay inay daboosho daldalloolada u dhaxeeya shuruudaha degmadeena iyo maalgelinta aan helno, taasoo hadda aad uga yar waxa loo baahan yahay in si buuxdo loo daboolo shuruudahaan. Taasi waa sababta aan ugu soo doodayay ugana sii doodi doono sharci dejinta gobolka si loo kordhiyo maalgelinta waxbarashada dawliga ah.
Maamulayaasha MPS waxaa la siiyaa miisaaniyad gu’ kasta waxayna leeyihiin xoogaa dabacsanaan ah miisaaniyadaas dhexdeeda si ay lacagaha ugu qoondeeyaan barnaamijyo iyo jagooyin gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay inay raacaan siyaasadaha degmada sida xaddidaadaha tirada fasalka iyo tirada ardayda–labadoodaba ay si adag ugu doodeen waalidiinta iyo macallimiinta intii lagu guda jiray wadaxaajoodyadii qandaraaska ee sannadkii hore. Xitaa marka la eego xaddidaadaha cusub ee degmadu u dejisay tirada ardayda fasalka, dugsiyada waxaa loo oggolaaday inay wax ka dhahaan wax ka qabashada badashada tirada ardayda iyagoo isugu yeeraya guddiyada ku salaysan goobta si ay dib ugu eegaan arrimaha xadka fasalka ee dugsiga dhexdiisa. Waa mid habboon in la siiyo maamulayaasha ku salaysan goobta inay sheegaan sida ay u qoondaynayaan miisaaniyadooda, iyadoo isla markaana la bixinayo tilmaamo iyo siyaasado laga hirgelinayo degmada oo dhan si loo xaqiijiyo sinnaanta guud ahaan dugsiyada MPS.
Diiwaangelinta hoos u dhacaysa waa walaac wayn oo ka dhex jira degmadeenna dhexdeeda oo ay tahay in wax laga qabto. Caabuqi saf-marka ahaa wuxuu sababay hoos u dhac ku yimaada diiwaangelinta, taas oo saameysay degmooyinka dugsiyada dadweynaha ee dalka oo dhan. Ololaha dadweynaha ee hoos loogu dhigayo laguna kala daadinayo waxbarashada dawliga ah wuxuu sidoo kale horseeday dhimista maalgelinta dugsiyada dadweynaha waxaana qoysaska laga leexiyay dugsiyada degmada. Arrimahani waxay intooda badan ahaayeen kuwo ka baxsan awoodeenna. Si kastaba ha ahaatee, degmadeenna dugsiyada ayaa sidoo kale gacan ka gaysatay hoos u dhac weyn oo ku yimid diiwaangelinta iyadoo soo rogtay Comprehensive District Design (CDD xilligii xasillooni darrada ka dib caabuqi safmarka ahaa. CDD ayaa laga yaabaa in laga damacsanaa ujeedooyin wanaagsan, balse waxay ahayd mid aan la jeclayn, waxay horseeday aamin-darro dadweyne, iyadoo qoysas badan ka fogeysay dugsiyadii xaafadahooda.
Waxaan ugu dambaynti bilownay inaan aragno koror fiican oo ku yimid diiwaangelinta sanad dugsiyeedki 2024-2025, iyadoo sannadkii hore oo kaliya uu carqaladeeyay isla markaana saameyn qoto dheer uu ku yeeshay hawlgalki Operation Metro Surge. Waxaa jira arday onlayn u wareegay oo aan marna soo noqon, ardayda qoysaskoodu u cararay badbaadadooda, iyo qoysaska waalidkooda la masaafuriyay. Saamaynta ay tani ku yeelan doonto diiwaangelinta weli lama garanayo, balse waxaa hubaal ah inay muuqan doonto. Waxay qaadan doontaa xasillooni, dib-u-dhiska kalsoonida iyo hab loo qasday si loo kordhiyo diiwaangelinta dugsiyadeenna. Soojeedinadi dhawaan loo soo jeediyay in lagu ballaariyo xulashooyinka Pre-K laguna kobciyo dariiqyo dugsi oo joogta ah waxay muujinayaan in degmadu ay billowday inay ka fikirto sidii ay si wax-ku-ool ah u soo jiidan lahayd ardayda laga yaabo inay si kale isaga diiwaangeliyaan dugsiyo ka baxsan degmada.
Kordhinta diiwaangelinta ma aha jawaabta keli ah ee xasaradda miisaaniyada MPS, balse waa inay qayb ka ahaataa qorshaha guud. Qoysasku waa inay u arkaan MPS inay tahay dookhooda ugu wanaagsan uguna horreeyo xagga waxbarashada ubadkooda, taasina waa inay noqotaa waxa dhaqaajinaya go’aamada heer degmo iyo heerka guddiga dugsiga.
Waalidiinta, ardayda, iyo xubnaha bulshada waa in loo awoodsiiyaa inay ku lug yeeshaan hannaanka go’aan-gaarista ee Dugsiyada Dadweynaha ee Minneapolis iyadoo la yeelanayo xubno guddiga dugsiga ah oo si fudud loola xiriiri karo iyo xog si daah-furan loo gudbiyo. Waa masuuliyadda Guddiga Dugsiga inuu kormeero kormeeraha guud iyo inuu u istaago baahiyaha dadka uu matalo. Waaya-aragnimada ardayda waa inay xog siisaa dhammaan go’aamada saameeya MPS, qoysaskuna waa inay helaan fursado wanaagsan oo ay ku muujiyaan walaacyadooda iyo baahiyahooda halki kaliya ay ka muujin lahaayeen xilliyada faallada dadweynaha halmar bishi. Dadweynaha waxay mudan yihiin inay faham ballaaran oo qoto dheer u yeeshaan arrimaha ay wajahayaan dugsiyada iyo go’aamada la gaarayo, kuwaasoo si wanaagsan ugu qalabayn kara uguna awoodsiin kara daneeyayaasha bulshada inay ku lug yeeshaan go’aan qaadashada.
Wada-shaqeynta waxay muhiim u noqon doontaa mustaqbalka degmada dugsiyadeena. Guddiga Dugsiga waa inuu diyaar u ahaadaa oo uu doonayaa inuu la shaqeeyo daneeyayaasha bulshada, macallimiinta iyo shaqaalaha ah laf-dhabarta dugsiyadeenna, iyo Maamulka MPS. Waxbarashada dawliga waa dan guud, waana in sidaas loola dhaqmaa halkii loola dhaqmi lahaa sidi ganacsi oo kale. Ardaydeenna, qoysaskeenna, iyo xubnaha bulshadeenna waxay mudan yihiin inay ogaadaan in codadkooda ay muhiim u yihiin hannaanka go’aan qaadashada iyo in xubnaha guddiga dugsigu ay halkaas u joogaan inay iyaga matalaan, taasoo u baahan dhisidda kalsooni iyo xiisayn loo qabo khibradaha iyo aragtiyaha dadka ay matalaan.
Xirfadaha akhriska iyo wax qorista waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah goob kasta oo waxbarasho, ka agaasime guddi ahaanna waxaan xaqiijin doonaa in degmadu ay sii waddo mudnaan-siinta waxbarashada akhriska. Wada-sheekaysiga ku aadan dhibcaha akhriska ayaa inta badan loo adeegsadaa hub ka dhan ah dugsiyada dawliga ah iyadoo aan la qirayn waaqaca ku xeeran dhibcahaas iyo cidda ku lug leh inay go’aamiso sida xogta loo isticmaalo si loo sheego qiso gaar ah. Waxaan danaynayaa inaan yeesho wada-hadallo dhab ah oo ku saabsan sida baahiyaha ardayga loogu daboolo qaab taageeraya awoodda ay u leeyihiin inay si wax ku ool ah wax u bartaan ayna guulaystaan waxbarasho ahaan. Tani waxay ka dhigan tahay xaqiijinta in fasalladu ay yihiin kuwo yar oo ku filan in ardayda ay helaan fiiro gaar ah; mudnaan-siinta shaqaalaha si toos ah ula shaqeeya ardayda sida ESP-yada marka laga shaqaynayo miisaaniyadda sannad kasta; taageerista xasilloonida xagga hoyga ee ardayda aan haysan hoyga iyo kuwa sida joogtada ah u guur-guura. Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay maalgelinta manhajka sida manhajka cusub ee “Arts and Letters” ee loogu talagalay K-5 ELA oo uu guddiga dugsiga ansixiyay sanadkan, kaasoo la jaanqaadaya sida ay ardaydu u bartaan inay wax u akhriyaan habka ugu waxtarka badan.
Dhammaan dadka degan Minneapolis waxay u codayn karaan musharax weyn, laakiin waxaad sidoo kale u dooran kartaa musharax degmo gaar ah.