U Kala Shaandhee Degmo-degmo
Doorashooyinka guddiga dugsiga ee Minneapolis ayaa la qabtaa labadii sanaba mar. Sannadka 2026-ka, waxaa la dooran doonaa xubnaha matala Degmooyinka 1, 3, iyo 5, iyo laba kursi oo heer guud ah.
Dhammaan Waqooyi Bari iyo Jaamacada inteeda badan.
Degmada 1
Jawaabuhu waxay ka tarjumayaan aragtiyaha u gaarka ah musharrixiinta mana aha kuwo ka tarjumaya Get On Board ama ururrada kale ee ay wada-shaqeeyaan.
Magacaygu waa Abdul Abdi, waxaana sharaf ii ah inaan noqdo Xubin ka tirsan Agaasimaha Guddiga Dugsiga ee Degmada 1 ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda. Waxaan waalid u ahay arday dhigata MPS, sidaa daraadeed si toos ah ayaan u fahmayaa rajada iyo walaaca ay qoysasku ka qabaan waxbarashada ubadkooda.
Afarti sano ee la soo dhaafay, waxaan bixiyay hoggaamin maaliyadeed oo daahfuran, waxaan xoojiyay isla-xisaabtanka, waxaan taageeray macallimiinteenna, ardaydana waxaan ka dhigay udub-dhexaadka go’aan kasta. Inti lagu jiray caqabadihi miisaaniyadeed ee adkaa iyo carqaladihi aan horay loo arag, waxaan la shaqeeyay qoysaska, shaqaalaha, iyo asxaabta si aan u ilaaliyo fasallada, anigoo isla markaana ilaalinaya xasilloonida maaliyadeed ee muddada-dheer ee degmada.
Waxaan doonayaa dib-u-doorasho sababtoo ah arday kasta wuxuu mudan yahay waxbarasho tayo sare leh iyo fursad uu ku guuleysto, iyadoon loo eegin asalkiisa ama xaafadda uu ka soo jeedo. Waxaa iga go’an xoojinta aqoonta akhriska iyo wax qorista iyo guul ka gaarista tacliinta, anigoo taageeraya macallimiinta iyo shaqaalaha, si mas’uuliyad lehna loo maalgeliyo dugsiyadeenna, iyo xaqiijinta in arday kastaa dareemo ammaan, la qiimeeyay, la xujeeyay, loona diyaariyay kulleejka, shaqada, iyo nolosha.
Waxaan aaminsanahay in dugsiyada ay yeeshaan dabacsanaan macno leh oo ku dhex jirta qaab-dhismeed adag oo heer degmada oo dhan ah taasoo xaqiijinaysa sinnaanta, isla-xisaabtanka, iyo filashooyin sare oo laga qabo arday kasta.
Maamulayaasha, barayaasha, iyo kooxaha hoggaanka dugsiga waxay si fiican u yaqaanaan ardaydooda iyo bulshadooda. Dugsiyada waxay u baahan yihiin dabacsanaan ay ku daboolaan baahiyaha gaarka ah ee ardaydooda. Maamulayaasha, barayaasha, iyo qoysaska waa inay cod macno leh ku yeeshaan go’aamada ku saabsan qorista shaqaalaha, dejinta jadwalka, iyo taageerada ardayda. Dabacsanaantaasi waxay dhiirigelisaa hal-abuurka, waxay awood siisaa macallimiinta, waxayna u suurtagelisaa dugsiyada inay wax ka qabtaan baahiyaha maxalliga ah.
Isla markaana, dabacsanaanta waa in lagu dheellitiraa sinnaan, isla-xisaabtan, iyo maamulid mas'uuliyad leh oo ku aadan khayraadka degmada. Arday kasta, iyadoon loo eegin dugsigiisa ama xaafadiisa, wuxuu mudan yahay inuu helo macallimiin heer sare ah, tacliin xooggan, adeegyo waxbarasho oo gaar ah, iyo taageerada uu u baahan yahay si uu u guuleysto. Degmadu waa inay dejisaa heerar cad, xaqiijisaa in kheyraadka si caddaalad ah loo qaybiyo, isla markaana ay dhammaan dugsiyada kula xisaabtantaa natiijooyinka ardayda, iyadoo siinaysa dugsiyada dabacsanaan ay ku go’aamiyaan sida ugu wanaagsan ee lagu gaari karo heerarkaas.
Sanadki la soo dhaafay, shaqadeena ku saabsan xaddidaada tirada fasalka waxay muujisay waxa suurtagal ah marka dugsiyada, qoysaska, iyo hoggaamiyeyaasha degmadu ay ka wada shaqeeyaan abuurista jawi waxbarasho oo wanaagsan iyada oo isla markaana ardayda udub-dhexaad looga dhigayo go’aan kasta. Khibradaasi waxay dib u xoojisay aaminsanaantayda in xalalka ugu wanaagsan ay ku yimaadaan iskaashi, daahfurnaan, iyo dhageysiga dadka aad ugu dhow ardaydeenna.
Waxaan sii wadi doonaa u-doodista wada-shaqeyn xooggan oo u dhaxaysa bulshada dugsiga iyo degmada si aan awood u siinno dugsiyadeenna, u taageerno macallimiinteenna, oo aan u xaqiijinno in arday kastaa uu helo waxbarasho tayo sare leh.
Kordhinta diiwaangelinta waa qayb muhiim ah oo ka mid ah xalka, balse ma noqon karto istiraatiijiyadda kaliya ee lagu xaqiijinayo guusha muddada-dheer ee dugsiyada MPS. Qoysaska waxay doortaan dugsiyada ay ubadkooda ka heli doonaan waxbarasho tayo sare leh, ku dareemaan ammaan, ayna haystaan fursad ay ku guulaystaan. Taasi waxay ka dhigan tahay mudnaanteenna ugu horraysa waa inay ahaataa bixinta dugsiyo heer sare ah iyadoo loo marayo tacliin xooggan, baridda wax ku oolka ah ee akhriska iyo qoraalka, taageero arday, deegaan waxbarasho oo ammaan ah, iyo iskaashiyo macno leh oo lala yeesho qoysaska.
Waa inaan sii wadnaa maalgelinta barnaamijyada ay qoysaska qiimeeyaan, oo ay ku jiraan waxbarashada xirfadda iyo farsamada, barnaamijyada labada luqadood ah, tacliinta horumarsan, farshaxanka, iyo dariiqyada loo maro kulleejka iyo shaqada. Waa inaan sidoo kale xoojinaa dugsiyada xaafadda iyadoo isla markaana la ilaalinayo xulashooyinka tayada sare leh lagana dhigayo diiwaangelinta hannaan soo dhaweyn leh oo la heli karo.
Isla markaana, waa in aynu garowsannaa xaqiiqooyinka maaliyadeed ee ay degmadeenu wjahayso. Ka ahaan Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, waan ogahay inaanan si buuxda ugu tiirsanaan karin kororka diiwaangelinta ardayda mustaqbalka si aan u xallinno caqabadaha ka jira miisaaniyaddeenna. Waa inaan sii wadnaa gaarista go’aamo maaliyadeed oo masuuliyad leh, oo xog lagu hagayo, hagaajinnaa waxtarka hawlgallada, raadsannaa kheyraad dheeraad ah oo ka imanaya heerarka gobolka iyo federaalka, isla markaana aan xaqiijinnaa in doollar kasta lagu maalgeliyo meesha uu saameynta ugu weyn ku yeelanayo waxbarashada ardayda.
Taasi waa sababta aan u taageeray Qorshaha Isbeddelka ee degmada oo dhan ah. Inkasta oo uu adag yahay, waxaa lagu diyaariyay talo ballaaran oo ka socota bulshada waxaana diiradda lagu saaray sidii dugsiyadeenna loogu abuuri lahaa mustaqbal xooggan oo waara. Yoolku wuxuu yahay in kheyraadkeenna la waafajiyo baahiyaha ardayda, la xoojiyo fursadaha tacliinta, lana xaqiijiyo in canug kasta uu helo waxbarasho tayo sare leh.
Ballanqaadkaygu waa inaan maamulidda maaliyadeed ee masuuliyadda leh ku dheellitiro sii wadidda maalgelinta ardaydeenna, macallimiinteenna, iyo bulshooyinka dugsiyadeenna. Joogtaynta dheellitirnaantaas, waxaanu dhisi karnaa degmo dhaqaale ahaan waarta taas oo sii wadda inay arday kasta siiso fursado waxbarasho oo heer sare ah.
Waalidiinta, ardayda, macallimiinta iyo xubnaha bulshada waa inay ahaadaan shuraako dhab ah xagga qaabaynta mustaqbalka dugsiyadeenna. Masuuliyadayda xubin ka ahaan Guddiga Dugsiyada kaliya ma aha inaan go’aamo gaaro, balse waa inaan dhageysto kahor inta aan gaarin go’aan. Go’aamada ugu wanaagsan waxay ka yimaadaan ka-qeybgalka bulshada ee macnaha leh, daahfurnaanta, iyo wada-xiriirka furan. Cod kasta wuxuu mudan yahay in la dhageysto lana ixtiraamo, aragti kastana waa inay wax ka caawisaa hagista shaqadeena. Marka qoysaska iyo bulshooyinka si dhab ah looga qaybgeliyo, waxaanu dhisnaa kalsooni, qaadannaa go’aamo wanaagsan, oo aan abuurnaa dugsiyo xooggan oo arday kastaa uu fursad u helayo inuu guuleysto.
Walaacyada ku saabsan guul ka gaarista wax akhrinta ee ardayda waa kuwo sal leh waana inay dhammaanteen nagu dhiirrigeliyaan inaan diiradda saarno waxa ugu muhiimsan—guusha ardayga. Inkastoo weli aanan joogin meeshi aan rabnay inaan joogno, waxaanu samaynaynaa horumar macno leh. Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis waxay hirgeliyeen Cilmiga Akhriska guud ahaan dugsiyadeenna hoose waxayna maalgashi ku sameeyeen baridda akhriska iyo wax qorista oo ku saleysan caddayn iyo tababarka macallimiinta. Waa inaan ku sii soconnaa anagoo sii wadayna inaan taageerno waxbarashada tayada sare leh, horumarinta xirfadeed ee joogtada ah ee barayaasha, baaritaanka hore iyo wax ka qabashada akhristayaasha ku dhibtoonaya, iyo iskaashi xooggan oo lala yeesho qoysaska si waxbarashada loogu xoojiyo guriga. Akhriska waa aasaaska guul ka gaarista maaddo kasta, canug kastana wuxuu mudan yahay fursad uu wax ugu akhriyo heerka fasalka. Waxaan sii wadi doonaa u-doodista istiraatiijiyado la xaqiijiyay, isla xisaabtan, iyo kheyraadka ay barayaasheenna u baahaan yihiin si arday kasta uu u haysto fursad uu ku gaaro kartidiisa buuxda.
Dhammaan dadka degan Minneapolis waxay u codayn karaan musharax weyn, laakiin waxaad sidoo kale u dooran kartaa musharax degmo gaar ah.